© 2025 Ataash, All Rights Reserved
Tacsi Tiiraanyo Leh – Geerida Dhalinyarada Soomaaliyeed
Tacsi Tiiraanyo Leh – Geerida Dhalinyarada Soomaaliyeed
Waxaan si dareen waalidnimo leh ga tacsiyeynayaa geerida murugada leh ee ku habsatay dhalinyarada Soomaaliyeed ee la xaqiijiyey inay ku naf waayeen badda u dhaxaysa Algeria iyo Spain, iyagoo raadinaya nolol ka wanaagsan iyo mustaqbal ifaya.
Geeridooda waxa ay tahay khasaare weyn oo naxdin leh, waxayna mar kale iftiiminaysaa baahida degdegga ah ee loo qabo xal u helidda sababa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu kallifaya inay halis gelinayaan naftooda, si ay uga baxaan nolol adag oo ay la tacaalayaan dalkooda hooyo.
Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer SSC-Khaatumo ee ay geeridani saameysay. Ilaahay ha u naxariisto dhammaan dhallinyaradaas geeriyootay, Jannadii Fardowsana ha ka waraabiyo. Eheladoodana Ilaahay ha ka siiyo samir iyo iimaan.
Waa waajib in la abuuro jawi ay dhalinyaradu ku dareemaan rajo, ammaan, iyo fursad ay noloshooda ku dhisan karaan, halkii ay u safri lahaayeen waddo aan la hubin, oo inta badan ku dhammaata geeri ama dhaawac naf iyo maalba leh.