© 2025 Ataash, All Rights Reserved
Waxaan si murugo leh ula socdaa mudaharaadka ka dhacay maanta magaalada Laascaanood
Bismillaah!!
Waxaan si murugo leh ula socdaa mudaharaadka ka dhacay maanta magaalada Laascaanood, kaas oo ka dhashay fal kufsi oo naxdin leh oo la sheegay in ay geysteen dhawr iyo labaatan dhalinyaro ah, laguna xadgudbay xuquuqda iyo karaamada laba gabdhood oo aan waxba galabsan. Ugu horayn Waxaan si buuxda u garab taaganahay dhibanayaasha iyo qoysaskooda, waxaanan codsanayaa in si degdeg ah, hufan, oo caddaalad ah loo baaro kiiskan, lana mariyo sharciga cid kasta oo ku lug leh, dhanka kale waxaan u tacsidaynayaa dhalinyarada mudaharaadkaas ku nafwaayay alle samir iyo iimaan qoyskooda haka siiyo.
Ugu dambayn, waxaan shacabka sharafta leh ee Laascaanood ugu baaqayaa in ay dareenkooda ku muujiyaan si nabadeed oo xilkasnimo leh. Waa muhiim in aynaan burburin hantida dadweynaha, laamiyada iyo dhismayaasha guud ee bulshada, maadaama ay yihiin kuwo aynu wada leenahay. Dibadbaxu waa xaq dastuuriyad ah, laakiin waa in uu ahaadaa mid caddaalad raadin ah oo aan noqon mid waxyeello keena