News

Maanta waxaannu si rasmi ah u nimid Xarunta Maamulka SSC-Khaatumo ee magaalada Laascaanood

By, admin
  • 29 June, 2025
  • 0 Comment

Bismillah

Maanta waxaannu si rasmi ah u nimid Xarunta Maamulka SSC-Khaatumo ee magaalada Laascaanood, halkaas oo si diirran oo sharaf leh nala soo dhaweeyay, Aniga iyo musharraxa madaxweynaha SSC-Khaatumo, Mudane Cabdirisaaq Khaliif, waxaana nalagu soo dhaweeyay si aanan la iloobi karin!

Mahadsanid maamulka, odayaasha dhaqanka, haweenka, ciidamada, saxafiyiinta iyo dhammaan bulshada qiimaha badan ee noo muujisay taageero, jacayl iyo kalgacal. Soo dhaweyntiinnu waa mid aan qalbiga taabaneysa.

Waxaan halkan u joognaa inaan idinla kulanno, idiin dhageysanno, oo aan idinla tashanno si aan u wada dhisno SSC-Khaatumo horumarsan oo midaysan.

Waad ku mahadsan tihiin sidii aad noogu muujiseen Taageerida — waan idinla joognaa!

Leave A Comment